Muqdisho oo saakay la soo gaarsiiyay saraakiil iyo ciidamo ku dhaawacmay dagaalka Guriceel ee shalay

Axad: October 24, 2021

Magaalada Muqdisho waxaa la soo gaarsiiyay saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo kusoo dhaawacmay dagaalka culus ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduuid.

Sida aan wararka ku heleyno dhaawacyada magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay ayaa ah kuwa xaaladooda adag tahay waxna looga qaban waayay isbitaalada kuyaala magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Sidoo kale Dhaawacyo la keenay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qaaday diyaarado, waxaana dhaawacyada la dhigay laguna daaweenayaa qaar kamid ah isbitaalada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya