R/wasaaraha Suudaan ee xabsi guriga la geliyay oo baaq u diray shacabka dalkaas

Isniin: October 25, 2021

Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo sida la sheegay ku jira xabsi guri, ayaa dadka Suudaan ka codsanaya in ay sii wadaan dibadbaxyada nabdoon oo ay “difaacaan kacaanka”, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee wasaaradda warfaafinta Suudaan.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamada milatariga ee isku dhafka ah ee hore ugu xiray gurigiisa ay ku cadaadinayeen inuu ku dhawaaqo bayaan taageeraya afgambiga.

Ka dib markii ay diideen inay taageeraan afgambiga, ciidanka ayaa hadda ra’iisul wasaaraha u wareejiyay meel aan la garanayn.

Office Nairobi Kenya