Amb. Thomas-Greenfield “ Xalka Ethiopia kuma imanayo cudud militari

Jimco: October 29, 2021

Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Ambassador Linda Thomas-Greenfield ayaa todobaadkan booqasho ku tagtay qaaradda Africa

Waxay ku tagtay  gaar ahaan wadamada Mali, Niger iyo Gabon, iyadoo ku sugan caasimadda Gabon ee Libreville, ayey la hadashay wariyeyaasha oo toos su’aalo u weydiinayay, waxaana meelihii ay ka hadashay ka mid ahaa xaaladda Ethiopia oo wax laga weydiiyay.

Sidoo kale waxay aad uga soo hor jeesatay Cududa ay sheegtay in ay Itobiya u isticmaalayso oo ay tiri waxaa ka dhacay Danbiyo dagaal.

Office Nairobi Kenya