Galmudug oo Bilaawaday dib u soo celinta dadkii ka barakacay Guriceel.


Sabti: October 30, 2021

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan in magaalada Guriceel ay dib ugu soo celiyeen shacabkii ka qaxay ka dib dagaalkii khasaaraha dhaliyey ee halkaa ka dhacay.

Guddi uu madaxweynaha maamulkaasi u saaray gargaarka dib u dajinta dadkii hlkaa ka barakacay ayaa haatan sheegaya in ugu yaraan 80% ay shacabkii magaalada dib ugu soo noqdeen isla markaana ay wadadaan dadaallo dadkaas loogu gurmanayo.

Waxaan haddaba halka ay wax u marayaan guddigaas aan ka waraysannay, wasiirka gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi).

Office Nairobi Kenya