Puntland oo joojisey goor dhawayd madal uu ka hadli lahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka Cirro

Isniin: November 1, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada garoowe ayaa sheegaya in caawa maamulka Puntland uu  joojiyay  madal uu ku casunaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka, Maxamed Cirro.

Ciro ayaa la sheegay in uu ka hadli lahaa goob Hotel ah oo ku yaala garoowe oo loo qorsheeyay in uu dadka halkaas iskugu imaan Doono kala hadlo xaalada doorashada iyo siday u dhacayso Doorashada, taasi oo ay puntland dhibsatay.

Sidoo kale Warar  hor dhac ah ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay  ku sugnaayeen  madasha, markii ay dowladda Puntland  soo saartay amarka joojinta Xaflada halkaas ka dhici lahayd.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha halkaas

Office Nairobi Kenya