Ayax kusoo rogaal celiyay Ismaamulka Mandheera ee Gobolada waqooyi bari..

Arbaco: November 3, 2021

Qaybo kamid ah Ismaamulka Mandheera waxaa lagu arkay Ayax sida uu shaaciyay Williams Hamisi oo ah ku xigeenka Hay’adda FAO ee Dalka Kenya oo Warbaahinta la wadaagay Macluumadkaan.

Williams ayaa sheegay in Ayaxa uu aaminsan yahay in dhanka Soomaaliya uu kasoo galay gaar ahaan deegaannada xadka ee qiyaas ahaan dhinaca Soomaaliya marka loo galo 180 KM sida uu hadalka u dhigay.

“Mandheerda waxaa lagu arkay xoogaa ayax ah, kooxda qaabilsan Beeraha ayaa xaqiijiyay arrintaan waana la fuuliyay si looga hortago in uu ku tarmo Deegaanka, qayb yar ayaa u weecatay dhanka Itoobiya” ayuu yiri ku xigeenka FAO ee Kenya.

Dowladda Kenya ayuu Williams Himisi ugu baaqay in ay sameyso kahortag si loo beegsado goobaha uu ku habsaday Ayaxa oo ay u dhigi karo Ukumo uu kasii tartamo taas oo halis markale gelin karta deegaanka oo la dhibaateysan Xaalad abaar.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera Cali Rooba ayaa sheegay in dagaal adag oo kahortag ah ay la galeen Ayax ku degay Deegaanka Rhamudintu ee Mandheera si uusan markale u saameyn Deegaanka, Roba ayaa intaas raaciyay in Ayaxa uu duullaan ku yahay dhul beereed dhan 2,000 Hektar.

Ayaxa ayaa dhulka la samiyay dhul naq badan leh oo Xoolo dhaqatadu ay ku haminayeen in ay uga gudbayaan xaaladaha adag ee Jiilaalka (Abaarta) balse waqtigii uu dhulka qoynaa waxaa ku habsaday ayax oo sabab u noqday in uu xaalufiyo dooggii muuqday.

Office Nairobi Kenya