Wasiir Falagle “ Qoloda Ahlu-Sunna ee jooga Bohol odayaal ayaa jira waana la dhamaynaa saacadaha soo socda Qilaafka

Arbaco: November 3, 2021

Maalmo kadib markii uu soo af jarmay Dagaalkii ka dhacay Guriceel, maamulka galmudug ayaa mar kale sheegay in Ciidamadii Ahlu-Sunna ee ka baxay Guriceel ee gaaray  deegaanka Bohol ay ku maqan yihiin Odayaal waan waan ka dhex wada labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa   sheegay inay ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna ay joogaan deegaanka Bohol, islamarkaana ay socoto waan-waan lagu xalinayo xiisada.

https://8bf4aaceaafbca8a1e27fbfd3c171d6a.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Waxa uuna Falagle dusha uga tuuray eeda iyo mas’uuliyada dagaalkii Guriceel ay qaadayaan hogaanka Ahlu-Sunna, oo uu sheegay in ay ku soo duushay maamul jira iyo Xaruntii Ganacsiga Galmudug.

Sidoo kale waxa uu  sheegay in Ahlu-Sunna ay sharci darro ku soo weerartay maamul, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiisay ishii dhaqaalaha ee dowladda goboleedka Galmudug oo uu ula jeedo Guriceel.

Office Nairobi Kenya