Daalibaan oo mamnuucday guurka qasabka ah ee dumarka

Taliban ayaa soo saartay go’aan ay ku joojineyso guurka qasabka ah ee Afgaanistaan, iyadoo sheegtay in haweenka aan loo tixgalin “hanti” oo ay tahay in ay ogolaadaan guurka, laakiin su’aalaha ayaa weli ah in kooxda xukunka ku soo noqotay bartamihii Ogosto ay kordhin doonto xuquuqda haweenka ee shaqada iyo waxbarashada. .
Wareegtadan ayaa waxaa Jimcihii ku dhawaaqay madaxa Taalibaan Hibatullah Akhunzada  kaas oo la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay koonfurta magaalada Kandahar.

“Labada (haweenka iyo ragga) labaduba waa inay siman yihiin,” ayaa lagu yiri wareegtada, iyadoo raacisay “qofna kuma qasbi karo dumarka inay guursadaan qasab ama cadaadis”.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________