Xildhibaanada Galmudug kumetela beesha Waceysle oo sheegay in kursiga Hop067 loo dhacay Agaasimaha NISA Yaasiin Farey.

Sabti: December 4, 2021

Wax garadka beesha Waceysle  oo maalmihii la soo dhaafaayay sheegay in la dhacay kursiga Hop067, ayaa waxaa arintaas ku soo biiray Xildhibaanada Beesha wacaysle ee laga soo doorto Galmudug.

 Xildhibaan Mukhtaar Macalin Cabdullahi oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug  kuna metela beesha Waceysle ayaa sheegay in la boobay kurigoodii baarlamaanka federaalka ee Hop067, kaas oo dhawaan uu ku soo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey.

Xildhibaan Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in doorashadii Yaasiin Farey aan loo marin sifo sharci ah, isagoo cadeeyey in saxiixihii kursiga iyo dhamaan beesha lagala cararay doorashadii kursigooda, taasna aysan aqbali doonin.

Sidoo kale Xildhibaan Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in si joogto ah ay u wada xariirayeen Nabadoonka oo ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo ka tashanaayey doorashada iyo sidii loo hagi lahaa.

Beesha Waceysle ayaa aad u diiday inay aqbasho in kursigaas loo dhaco Yaasiin Farey, waxgaradka qaar ee beesha waxay cadeeyeen in Yaasiin aysan u diidaneyn kursiga, balse ay qaadan la’yihiin in xaqooda lagu hor boobo.

Office Nairobi Kenya