Tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka oo meel fiican maraya

Sabti: December 4, 2021

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa ka qeyb gashay kulamadi maanta ee tartanka kubadda cagta degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir 2021.

Xidigaha Xulka Degmada Yaaqshiid ayaa 3-0 uga badiyay dhigooda degmada Boondheere oo ay garoonka Injineer Yariisow ku kulmeen.

Dhanka kale Cayaartooyda degmada Deyniile ayaa 9-1 uga badiyay dhigooda degmada Heliwaa oo ay garoonka Muqdisho ku ciyaareen

Degmooyinka Deyniile iyo Yaaqshiid ayaa kasoo baxay Group B, una gudbay wareegga 8-da ee tartanka.

Kala sarreynta Group B.

1. Deyniile 3 kulan 7 dhibcood
2 Yaaqshiid 3 kulan 7 dhibcood
3 Boondheere 3 kulan 3 dhibcood
4. Heliwaa 3 kulan eber.

Office Nairobi Kenya