Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xariga abwaan la sheegay in loo haysto riwaayad uu sameeyay

isniin: December 6, 2021

Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay xiritaanka nin dhalinyaro ah oo abwaan ah oo lagu magacaabo Idiris Siciid Maxamed (Ilig), balse guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyay xariga Sayida.

“Waxaan halkan ka cambaareynayaa xarigga dhalinyaradii sheekadii qosolka sameysay ee mataleysay dowlad aan waxbo qaban laakiin inamo yar yar oo dhalinyaro ah oo sameeyay riwaayad qosol ah marka la yiraahdo waa la xiray marka xoriyatul qowlkii baa meel kaha dhaceynaa” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay warbaahinta.

Faysal ayaa dhanka kale madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu sii daayo Sayidka Barakaysan iyo dhalinyarada riwaayada kula jirtay oo la sheegayo in ay iyaguna xiranyihiin.

Wararka qaar waxay sheegayaan in abwaanka loo xiray riwaayad ay dhawaan jileen oo lagu magacaabo ‘Ruwaayadda Xaaji Dicin iyo Xukuumadda’

Idris Siciid Maxamed ayaa barta TikTok kusoo bandhigaa maansooyinka Soomaalida.

Office Nairobi Kenya