Rooble oo mar kale maanta dhameeyay Qilaafkii u dhaxeeyay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed


Sabti: December 11, 2021

Wararka ka imaanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegaya in uu halkaas kula kulmay maanta  Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Wararka ayaa sheegaya in Kulankan  looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, Xili maalmihii la soo dhaafay uu jiray Qilaaf u dhaxeeya labada dhinac, gaar ahaan Gudiga Doorashada labada dhinac ka socda.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulankaan uu ku soo aaday Xili uu jiro Qilaaf xoogan oo u dhaxeeya Gudiga doorashada Gobolada Waqooyi, waxaana la sheegay in xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana iskuna afgartay in horay sii wado howsha doorashada.

Office Nairobi Kenya