Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo kulan kula qaatay Turkiga Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya


Isniin: December 20, 2021

 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Maxamed Yuunis Al-menfi. magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Liibiya.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuur gali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu, ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Villa Somalia.

Office Nairobi Kenya