War deg deg ah; dagaal ka dhex Qarxay Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF Magaalada Boosaaso

Talaado: December 21, 2021

 

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in israsaasayn xooggan laga maqlayay gudaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yahay mid kulul oo u dhaxeeya Ciidamada PSF iyo kuwa Puntland oo mudooyinkii la soo dhaafay is hor fadhiyay.

Dhaqdhaaqaasi ciidan ayaa saakay abaare 10-kii subaxnimo horseeday in dagaal ka dhex-qarxay labada dhinac. Waxaana la sheegaya in ilaa haatan goobtaas laga maqlayo dhawaaqa rasaasta.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya