Iran oo shaaca ka qaaday sharuudaha ku xiran wada hadal ay la gasho Sacuudiga.

Talaado: December 21, 2021

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Said Khadiib Saadah, ayaa sheegay in wadahadal dhexmara sucuudiga iyo Iran uu ku xiran yahay hadba sida Sucuudigu uu arrintaas uga dhabeeyo.

Khadiib saadah ayaa intaas ku daray in xukuumadda Riyaad ay ugu baaqayaan in ay qaadato mawqif diblumaasiyadeed oo ku dhisan siyaasad wanaagsan oo ah in aan la fara gelin dowladaha kale, wuxuuna sheegay in taasi tahay jidka kaliya ee horay loogu socon karo.

Sacuudiga iyo Iran ayaa sanadkan bilaabay wadahadallo toos ah iyadoo quwadaha aduunku ay isku dayayaan inay badbaadiyaan heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, iyo iyadoo dadaalada Qaramada Midoobay ay hormuudka ka tahay ee lagu soo afjarayo dagaalka Yemen ay sii yaraanayaan.

Office Nairobi Kenya