Arbaco: December 22, 2021
Wararkii ugu dmabeeyay ee ka imaanaya boosaaso ayaa sheegaya in ay yaraatay rasaas teel teel ah oo saacadihii lasoo dhaafay laga maqlayay qaybo ka mid ah magaalada.
Waxaa lagu soo warramayaa in hadda uu socdo shir ay leeyihiin Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo loo igmaday inay xaaladda la tacaalaan, waxaana laga dhowrayaa inay warbaahinta la hadlaan.
Dadka deegaanka ayaa billaabay saaka inay ka barakacaan magaalada.
Ilaa hadda faahfaahin buuxda lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka dib uga qarxay magaalada, inkastoo hadda ay xaaladda u muuqato mid deggan.
Office Nairobi Kenya
