Sabti: January 1, 2022
Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa soo saarey amar uu kaga wareejiyey sugidda ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ciidanka iyo taliska hey’adda nabad sugidda.
Wuxuu ku wareejiyey wasiirka sugidda amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ciidanka booliiska laga bilaabo bari oo ku beegan 2-da bisha Janaayo, ee sanadka cusub ee 2022-ka.
Wasiir Cabdullaahi, ayaa tilmaamey in garoonka ay ka jirto dayacaad ku timid hanaanka sugidda amniga, taasoo ku riixdey inuu qaato go’aamo degdeg ah oo lagu hagaajinayo dulduleelooyinka jira.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu carabka ku dhuftey in cabasho badan ay ka timid hey’addaha kala duwan ee dowladda, taasoo la xiriirta xadgudubyo ay geysteen ciidanka nabad sugidda sida gacan qaad iyo handadaado joogto ah.
Office Nairobi Kenya
