Axad: January 2, 2022
Lionel Messi ayaa ka mid noqday afar ciyaartoy oo ka tirsan kooxda kubadda cagta ee ka dhisan dalka Faransiiska ee Paris St-Germain oo laga helay safmarka Covid-19.
Weeraryahanka reer Argentine iyo saaxiibadiis ay isku kooxda yihiin oo lagu kala magacaabo Juan Bernat, Nathan Bitumazala iyo Sergio Rico ayaa la xaqiijiyay inay qabaan Covid-19, maalin ka hor kulanka PSG ay la ciyaareyso kooxda heerka afaraad ee Vannes. Afartaan ciyaartooy ayaa dhamaantood la galiyay karaatiil.
Tababaraha kooxda PSG Mauricio Pochettino ayaa sheegay in Messi uu ku sii sugnaanayo Argentina halkaas oo uu ku qaatay fasaxiisa isla markaana aanu safri doonin ilaa tijaaabo laga qaado.
Ciyaarta ugu horeysa ee PSG ee sanadkaan 2022- ka kadib fasaxa kooxda waxay la ciyaari doontaa Lyon Axadda, 9-ka bishaan Jannaayo.
Office Nairobi Kenya
