Barakacayaal ka barakacay degmada Diinsoor oo Alshabaab ku tilmaamay kuwa Naxariis daran.

Sabti: January 15, 2022

 

Wararka ka imanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaa gaareen qoysas ka barakacay tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.

Qaar kamid ah qoysaskaa barakacay ayaa Saxaafada  u sheegay inay ka soo carareen ururka Al-shabaab, oo go’adoomiyey deegaannadaa ay ka carareen waxayna sheegeen in intaas ay dhibtaa u wehelisay abaarta ku dhuftay tuulooyinka ay ka hayaameen.

Sidoo kale Dadkaa barakacay ayaa sheegay inay degdeg ah ugu baahanyihiin gargaar, waxayna Dowlada Soomaaliya ka codsadeen iyo  Hay’adaha gargaarka in ay la soo gaaraan Raashin iyo Dawooyin Deg deg ah.

Office Nairobi Kenya