Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo ku eedeeyey Muuse Biixi inaanu diyaar u ahayn in uu ku qabto doorashada madaxtooyada

Talaado: January 25, 2022

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inaanu diyaar u ahayn inuu ku qabto doorashada madaxtooyada wakhtigii logu talo-agalay.

Laakiin Xisbiga Kulmiye oo u jawaabay Guddoomiye Faysal ayaa iyagu sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhici doonto.

Sidoo kale Guddoomiye Faysal ayaa geesta kale soo dhaweeyey hadalkii ay xukuumaddu ku sheegtay inay joojin doonto wadalhadalada Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya