Lafta Gareen oo Wasiiro Cusub Magacaabay kuwa Kalana Xilka Ka Qaaday

.

Isniin: January 31, 2022

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu magacaabay saddex wasiir oo kamid noqonaya wasiirada maamulkiisa.

Madaxweyne Laftagareen ayaa saddex wasiir oo cusub u magacaabay wasaaradaha Dekadaha & Gaadiidka, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo wasaarada Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Wasiiradii horey xilalkan u hayay ayaa qaarkood dhawaan loo doortay in ay noqdaan xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

.

Office Nairobi Kenya