Maxkamad ku taala Hargeysa oo ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Weriye Coldoon


khamiis: February 3, 2022

Maxkamad ku taala magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo horey ay u xireen ciidamada Booliska Soomaaliland.

Xeer Ilaalinta ayaa rafcaan ka qaadatay Go’aanka Maxkamadda.

In kabadan Seddax jeer ayaa Coldoon  lasoo taagay Maxkamadda Hargeysa, waxeyna Garsoorayaasha Maxkamaddu dalbanayeen in lasoo dhamaystiro dacwadaha loo haysto Cabdi-Maalik, kuwaas oo la xiriiray in uu Xukuumadda Muuse Biixi dhaliilay iyo in sawirro laga qaaday Arday dhigata Iskuulka Abaarso uu anshax xumo ku tilmaamay.

Office Nairobi kenya