Magaalada Mombasa oo Shan qof oo Soomaali ah oo ku dhimatay kadib dab ka kacay dhisme ku yaala halkaas

Khamiis: February 3, 2022

Shan qof oo Soomaali ah oo uu mid caruur yahay ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen dab shalay ka kacay dhismihii ay degaanaayeen oo ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Dhacdadan ayaa shalay aroortii ka dhacday qeybta qadiimiga ah ee magaalada Mombasa, waxaana dadka dhintay la sheegay inay ahaayeen dad qaxooti ah.

Sidoo kale Dalka Kenya gaar ahaan magaalada  Nairobi iyo Mombasa ayaa waxaa ku yaala guryihii hore ee Qadiimiga ahaa taasi oo hadii dab uu kaco wax kasta dhici karaan.

.

Office Nairobi Kenya