Dilka nabaddoon Colow oo cabsi ku abuuray odayasha dhaqanka ee gobolka Hiiraa


khamniis: February 10, 2022

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa Talaadadii lagu dilay Nabadoon Cabdi Xuseen Colow oo ka mid ahaa duqeyda dhaqanka ee ugu caansan gobolkaasi.

Dilka nabadoon Colow ayaa ku soo beegmay xilli uu kulamo xal siyaasadeed lagu raadinayo uu magaalada ka wado madaxweynaha Hirshabelle oo dhowaan gaaray.

Sidoo kale Nabaddoon Colow oo ka mid ahaa odayaal matalayay gobolka Hiiraan oo la kulmay Madaxweyne Guudlaawe ayaa dilkiisu cabsi ku abuuray duqeyda dhaqanka ee gobolkaasi.

Office Nairobi kenya