Madax sarsare oo uu ka mid yahay Taliyaha booliska Col C/lahi Cabdi xabsi guri lagu galiyay Jabuuti

Talaado: February 15, 2022

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa BBC u xaqiijiyey in Taliyaha booliska Col C/lahi Cabdi la galiyey Xabsi Guri.Sababta loo galiyey xabsi guriga ma cadda.

Waxaa kale oo aan caddayn cidda bixisay amarka lagu xiray taliyaha.

Wararkaas oo BBC ay ka heshay ilo kala duwan waxay kaloo tibaaxayaan in isna xabsi guri la geliyey wasiirkii hore ee dalka Jabuuti Boode Rooble.

Mas’uuliyiin ka mid ah xukuumadda jamhuuriyadda jabuuti oo aan isku daynay in aan arrintan wax ka weydiinno ayeysan noo suurtogalin.

Office Nairobi Kenya