Fahad Yaasiin oo la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada


Sabti: February 19, 2022

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon Fahad Yaasiin oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.

Fahad oo hadda ku magacaaban la-taliyaha amniga Qaranka ayaa galabta gaaray magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo berri ay ka dhaceyso doorashada lix kursi.

“Gudiga Maamulka  Doorashada Dowlada HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay dhamaan Murushixiintii  u Tartamaysay kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle.

Musharixiinta shahaadada lala gudoonsiiyey Fahad Yaasiin ayaa u kala tartamaya kuraasta kala ah:

HOP#008

HOP#015

HOP#074

HOP#086

HOP#109

HOP#274.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay, kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.

.

Office Nairobi Kenya