Afhayeenka, Xafiiska farmaajo Cabdirashiid Maxamed Hashi oo dafiray hadalkii wasiirka Batroolka Soomaaliya

Axad: February 20, 2022

Afhayeenka, ahna Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Hashi ayaa dafiray hadalkii wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ee ahaa in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la ogaa heshiiska.

Waxa uu beeniyay in  ay Soomaaliya la gashay shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD, taasi oo 7 xirmo oo xeebaha Soomaaliya ah ay shidaal kaga soo sareysa uu ogaa farmaajo ay tahay been abuur.

Sidoo kale Afhayeenka, ahna Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Hashi ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono arintaas.

Office Nairobi Kenya