Ciidamo badeed oo ay leedahay Ukraine oo nolosha lagu qabtay


Isniin: February 28, 2022

Ciidmo u dhashay Ukraine oo sida la sheegay lagu weeraray jaziirada Zmiinyi ayaa wali nool, sida laga soo xigtay war ay Facebook ku daabaceen ciidamada badda Ukraine.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay in aan ogaano in walaalaheen wali nool yihiin ayna nabad qabaan” ayaa lagu yir warka.

Ciidamada badda “ayaa laba mar iska caabiyay duulaanka Ruushka” laakiin ma awoodaan in ay sii difaacaan jaziiradda, ayaa lagu yiri warka.

Qadkii lagula xariirayay jaziiradda ayaa gabi ahaan go’ay, dadaalo lagu doonayay in dib loogula hagaajiyo ayaan miro dhalin, kadib markii ciidmada Ruushku burburiyeen kaabayaashii, ayay yiraahdeen ciidanka baddu.

Office Nairobi Kenya