Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo si adag u cambaareeyay falalkii argagixiso ee xalay ka dhacay Beledweyne.

khamiis: March 24, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si adag u cambaareeyay falalkii argagixiso ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee xalay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn amray Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii argagixiso ee xalay dhacay.

Office Nairobi Kenya