Tirada Xildhibaanada qaadatay shahaadada musharaxnimo ee guddoonka Aqalka Sare oo la shaaciyay


Arbaco April 20, 2022

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed
ayaa ka warbixiyay tirada musharixiinta isku diiwaangelisay u tartamida guddoonka golahaas.

Senator-ka ayaa sheegay in afar musharax oo ka tirsan aqalka sare ay isdiiwaangeliyeen kuwaas oo u taagan xilka Guddoonka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxu sheegay in kursiga Guddoomiyaha golaha aqalka sare uu isku soo sharxay hal musharax, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad uu isna isku soo sharxay hal musharax, isagoo sheegay in ay diiwaangeliyeen labo musharax oo raba inay u tartamaan xilka Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee BFS Senator Aadan Cabdinaasir ayaa sheegay in shaqada diiwaangelinta musharixiinta ay si wanaagsan u socoto, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in howlahaas shaqo ay sidaas ku sii socdaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in maanta iyo beri ay halkooda kasii wadayaan shaqada diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada guddoonka golaha Aqalka Sare.

Office Nairobi kenya