Shariif Maxamed Cabdalla Oo qaatay Shahaadada Musharaxnimada Gudoonka Golaha Shacabaka

Guddiyada doorashooyinka Guddoonada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ka wada diiwaangelinta musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddiga oo shalay diiwaangeliyay Musharrixiin farabadan ayaa Maanta diiwaangeliyay musharrixiinta kala ah oo uu kamid yahay Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla  oo kamid ah Tira Musharaxiin ah Oo maanata Shahaadad Lagu doonsiiyey

Xildhibaan shariif Maxamed Cabaddala Ayaa Dhowrmar isku soo sharaxay xilka gudoomiyaha Golaha shacabaka waloow sanadakaan aad loogu saadalinayo .

Dhanaka kale Guddiyada ayaa sii wadi doona diiwaangelinta musharriiinta guddoonada labada Aqal, iyada oo ay jiraan musharrixiin farabadan oo aan weli is diiwangelin, balse saacadaha soo socda is diiwaanelin doona.

Maalinta Berito oo Khamiis ah ayaa la soo geba-gabeyn doonaa hadii aan wax isbedelin diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonada labada Aqal, iyada oo doorashada Guddoonka Aqalka Sare ay dhici doonto 26 Bishaan halka 27 la qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________