R/Wasaare Rooble oo Howlgalka ATMIS ku amray in ay la wareegeen amniga Teendhada Afisyooni

\Talaado: April 26, 2022

Ra’iisul Wasaare Rooble ”Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.
Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.

Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.”.

Office Nairobi Kenya