Aabaha aroosaddii lagu dilay Hargeysa oo baaq u diray madaxweyne Biixi

Khamiis:? May 5, 2022

Cadullaahi Maxamed Cali oo ah aabaha dhalay Najma oo ahayd gabar arooskeedu dhawaan dhici lahaa oo askari ka tirsan booliska Soomaaliland ku dhex toogtay suuqa Waaheen ayaa baaq uu ku dalbanayo cadaalada u diray madaxweynaha Soomaaliland Muuse biixi Cabdi.

Najma waxay ahayd 22 jir, waxayna ka shaqeynaysay wasaaradda beeraha ee Somaliland, waxayna xoghayn u ahayd agaasimaha beeraha.

Dhanka kale Aabe Maxamed ayaa sheegay in taliyaha CID da Soomaliland uu kiiska gabadhiisa ku wareejiyay maxakamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliland.

Office Nairobi Kenya