Tiro Soomaali ah oo Xildhibaanimo lagu doortay doorashada ka socoto UK

Sabti: May 7, 2022

Wararka laga helayo dalka Britain ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanadii ugu badnayd oo Soomaali ah ah ay kusoo baxeen doorashada ka socota gudaha dalka Ingiriiska.

Sida lagu sheegay natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxyaa doorashooyinkii dowladda hoose ee ka qabsoomay degmooyin ka tirsan magaalada London ayaa waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay xildhibaanno golayaasha deegaanka kamid ah.

Toban xildhibaan oo Soomaali ah ayaa ilaa hadda warbaahinta Britain ay shaaciyeen inay kusoo baxeen doorashooyinkaasi, kuwaasi oo uu sharxay xisbiga mucaaradka ee Labour Party ee dalka ingriiska ka dhisan.

Degmooyinka muhiimka ee looga guuleystay xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda Britain.

Xisbiga mucaaradka shaqaalaha Labour Party ayaa sanadkaan guul muuqata ka gaaray xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson kuwaa oo lumiyay kuraas iyo degmooyin weligood u xerna xisbiga Conservative-ka.

Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.

Office Nairobi Kenya