Galgaduud oo lagu dilay Faarax Cali oo kooxda alshabaab u yaqaaneen Sigane ahaana horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanada Cadakibir, Warshubo

Axad: May 8, 2022

waxaa galabta bariga gobolka Galgaduud lagu dilay Faarax Cali Warsame oo kooxda looga dhex yaqaanay (Sigane) oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanada Cadakibir, Warshubo iyo Qaayib oo dhaca bariga gobolka Galgaduud

Dilka ninkaan oo ahaa mid qorshaysan wuxuu kla dhacay degaan lagu magacaabo Shurufle, waxaana fuliyay xubno ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan daraawiishta Galmudug.

Dhinaca kale Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ee ku sugan gobolka Gedo ayaa galabta jid-gooyo kala kulmay kooxda Al-Shabaab, xilli ay ka baxeen magaalada Garbahaarey, kuna sii jeedeen Beled-Xaawo.

Dagaal kooban kadib waxaa la sheegay in ciidanku ay dileen dhamaan kooxdii dhigatay jid gooyada, meel u dhow degaanka lagu magacaabo Tuulo-barwaaqo oo u dhaxeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Office Nairobi Kenya