Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo laga dalbadey iney soo gudbiyaan xubinta codadka u tirineysa

Sabti: May 14, 2022

Murashaxiinta Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa laga dalbadey iney kasoo jawaabaan codsi uu usoo gudbiyey Guddiga Doorsahada Madaweynaha.

Guddiga ayaa ka dalbadey murashax waliba inuu soo gudbiyo xubinta u tirneysa codadka.

Murashaxiinta, ayaa loogga digay haddii aaney kasoo jawaabin dalabka guddiga waqtigii looggu tala galey, inaanu lasoo gali doonin hoolka doorashada, ruuxa codka u tirinaya.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Office Nairobi kenya