DF Soomaaliya oo soo bandhigtay Sarkaal dhinaca Qaraxyada u qaabilsan Al-shabaab

Axad: May 22, 2022

Ciidanka Xoogga, gaar ahaan ururka 14-aad, guutada 14 October ee ku sugan Magaalada Marka ayaa soo bandhigay Sarkaal dhinaca qaraxyada u qaabilsan Ururka Al-shabaab iyo qaraxyo ay soo qabteen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa magaca ninkani ku sheegay Aweys Mayow eelaay oo ah, Madaxii qaraxyada ee Al-shabaab ugu magacaabnaa Marka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ciidanku qabteen xilli uu ku howlanaa Aasitaanka miino, isla markaasna ay hadda ku wadaan Baaritaan.

Sidoo kale, Sarkiisha ayaa sheegay in ninkani Hoygiisa la soo qabto qaraxyo isugu jira Bamba gacmeedyo iyo Miinooyin, kuwaasi oo ay muujinayaan sawirro la baahiyay

Office Nairobi kenya