CC Warsame oo guddoomiyay kulan looga hadlay Abaaraha dalka

Khamiis:May 26,. 2022

Ergayga gaarka ah ee Dowladda u qaabilsan arrimaha Beni-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Ergeyga ayaa Guddiga Gurmadka Abaarah ka dhageystay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaaan dalka.

Ugu dambayn, Ergayga gaarka ayaa u mahad celiyey guddiga, isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.

Office Nairobi Kenya