Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, kaas oo ku saabsanaa adkeynta iyo soo celinta xirirka walaaltinimo ee labada dal.
Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa xusay in dowladooda ay diyaar u tahay Golaha shacabka JFS ay kala shaqeyn doonto tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka carabta u heeyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xirirka Baarlamaanka JFS iyo kan Imaaraadka carabta.
Shalay ayay aheyd markii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, waxaana soo hagaagaya xiriirka Soomaaliya & Imaaraadka, kaas oo xumaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
