Guddoomiye ku-xigeen labaad ee Barlamaanka Galmudug oo soo dhaweyn kadib ka hadashay u jeedka safarka ay ku timid Gaalkacyo

Axad: June 12, 2022

Guddoomiye ku-xigeen labaad ee Barlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali, Ayaa soo dhaweyn kadib ka hadashay u jeedka safarka ay ku timid Gaalkacyo, Waxayna ay sheegtay in uu qeyb ka yahay kormeer ay ku tagi doonto deegaanno farabadan oo ka tirsan Gobalka Mudug, kuwaasi oo ay ka jiraan dhibaatooyinka Abaaraha ee daba dheeraaday oo ka taagan Galmudug

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay kormeer ku tagto deegaanno fog fog oo ku yĆ ala dhanka Waqooyi Bari ee Gobalka Mudug, kuwaas oo ay ka mid yihiin Afbarwaaqo, Qoryoweyn Buq Qalooc, iyo kuwo kale. Maadaama deegaanadaasi ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa ku dhufutay Abaar aad u sameysay dadka iyo duunyada.

Office  Nairobi kenya