Weeraryahankii hore ee Liverpool Divock Origi oo ku sugan Talyaaniga si uu tijaabada caafimaadka u maro ka hor inta uusan ku biirin AC Milan.

Talaado: June 28, 2022

Weeraryahankii hore ee Liverpool Divock Origi ayaa ku sugan dalka Talyaaniga si uu tijaabada caafimaadka u maro ka hor inta uusan si xor ah ugu biirin AC Milan.

Waxaa lagu dhawaaqay in Origi uu ka tagayo Liverpool mar uu qandaraaskiisu dhacay dhamaadkii xilli ciyaareedkii u dambeeyey.

27-sano jirkaan ayaa u dhaliyay goolal muhiim ah kooxda ku ciyaarta Anfield, waxaana ka mid ah goolkii labaad ee ay 2-0 kaga badiyeen Tottenham final-ka Champions League 2019.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa u saxiixay Reds 2014, waxaana uu u dhaliyay 41 gool 175 kulan oo uu saftay.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa shaaca ka qaaddau in Takumi Minamino uu si rasmi ah ugu wareegayo kooxda Faransiiska ka ciyaarta ee Monaco.

Office Nairobi Kenya