Cassidy Hutchinson:Trump wuxuu rabay in qeyb ka noqdo weerarkii dhismaha US Capitol

Arbaco: June 29 2022

Mid ka mid ah howl wadeennadii hore ee Aqalka Cad ayaa bixisay markhaatifur ay ku eedeynayso ficilladii Donald Trump uu sameeyay xilligii uu socday weerarkii dhismaha US Capitol sanadkii lasoo dhaafay.

Cassidy Hutchinson oo la hadlaysay guddiga ka socda Aqalka Wakiillada ee baaritaanka ku haya weerarkaas,ayaa waxay sheegtay in Mr Trump uu aad u doonayay in uu ku biiro dadka isu soo baxay uuna isku dayay inuu isteerinka gaarigiisa limousine-ka ah kala wareego darawalkii kaxaynayay oo ka tirsanaa sirdoonka.

Office Nairobi Kenya