Madaxweynaha Puntland & ku-xigeenkiisa oo si wadajir u guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Puntland mudo kadib


Khamiis: June 30, 2022

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo  hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS).

Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul ( caruurta, haweenka iyo naafada).

Sidoo  kale shirkaan ayaa Noqonaya shirkii ugu horeeyay Mudo bilooyin ah oo ay wada shir gudoomiyaan karaash iyo Deni maadaama Qilaaf uu u dhaxeeyay Bilihii la soo dhaafay labadaas Mas’uul.

Office Nairobi Kenya