Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey weerarka hotel Ambassador, kana taciyadeeyey geerida xildhibaanada

Muqdisho, June 1, 2016—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Xuseen (Kabaweyne) iyo xildhiibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure, waxa uuna alle uga rajeeyey inuu naxariistiisa janno siiyo.

“Weerarkani qasaaraha ugu badan waxa ay ka soo gaareen shacab maati ah, maadaama goobta la beegsaday ay ku yaaleen xarumo ganacsi, waxaana tacsi u dirayaa shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarkan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

“Weeraradan ma hakin doonaan horumarka iyo nabadda dalka, waxaana farayaa hay’addaha amnigu inay sii laban laabaan sugida amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixsada” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

.

.

__________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *