sabti: AUGUST 13, 2022
Erik ten Hag, ayaa ku adkeysanaya in ciyaar yahan Marcus Rashford uu sii joogi doono kooxda Manchester United, inkastoo wakiilkiisa iyo walaalkiis ay la kulmeen wakiilo ka socda kooxda Paris Saint-Germain.
Walaalkii Rashford, Dwaine Maynard, ayaa todobaadkii hore la kulmay madaxda PSG, oo muddo dheer taageere u ahaa weeraryahanka United.
Rashford ayaan u muuqan xulashada koowaad ee tababaraha cusub ee Hag, waxaana laga yaabaa in PSG ay tahay doorashada 24 jirkaan weerarka ka ciyaara.
Mikel Arteta ayaa rajeynaya in Pierre-Emerick Aubameyang uu ka heli doono soo dhaweyn diiran taageerayaasha Arsenal hadii uu ku biiro Chelsea.
Aubameyang waxa uu Gunners kaga tagay duruufo adag bishii January, laakiin waxa uu si deg-deg ah ugu soo laaban karaa Premier League, si ka duwan sidii hore.
Office Nairobi Kenya
