Taageerayaasha Raila Odinga oo careysan oo wadooyiinka isugu soo baxay

 
Isniin: August 15, 2022

 Taageerayaasha Raila Odinga ayaa si aad ah uga niyad jabay in uu ku guuldareystay doorashada madaxwaynanimada oo uu markii shanaad u tartamay.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Kisumu – oo ah magaalo ay ku xooggan yihiin taageerayaashiisa – halkaas oo jawiga uu isu beddelay xamaasad iyo caro.

Qaar ka mid taageerayaashiisa ayaa sameyay jid-gooyooyiin ay waddooyiinka qaar dhigteen. Booliiska ka hortaga rabshadaha ayaa mar sii horeysay loo daad-gureeyay magaladaasi.

Office Nairobi Kenya