Golaha Fulinta Deegaanka Soomaalida oo Galbeedki Siti uu ansixiyey laba degmo oo cusub

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Golaha fulinta Dawlada Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ansixiyay laba Degmo oo cusub.

Golaha fulinta Dawlada Deegaanka Somaalida ayaa codbuuxa ku ku meelmariyay degmooyinka Dhuunyar iyo Daymeed ee Gobolka siti.

Degmooyinkan cusub ee golaha fulinta deegaanka Soomaalida maanta uu meel mariyey ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Galbeedka Siti ka socdaan dagaallo dad badan ay ku daateen.

Waxaana ansixinta labadaasi degmo ee cusub loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka DDS si ay u ansixiyaan.

Waxaa degmooyinkaasi cusub golaha fulinta deegaanka uu u ansixiyay galbeedka Gobolka siti oo dhawaan canfari ka qabsatay magaalooyin dhowr ah.

Office Nairobi Kenya