Wararkii ugu Danbeyey Ciidamada Macislayda iyo kuwa Dowlada Oo Qarax lagula eegtay Hiiraan

Isniin: OCTOBER 3, 2022

Qarax miino ayaa shalay casar gaabadkii ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab.

Sida Wararku nagu soo gaarayaan qaraxan ayaa ka dhacay degaano u dhexeeyo degmooyinka Moqokori iyo  Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gaari ay la socdeen ciidamada dowlada ayaa la sheegay iney miino dhulka lagu aasay ku qabsatay meel u dhexeysa labada degmo.

Askari ka tirsan ciidamada dowlada iyo qof shacab ahaa ku dhintay qaraxaas, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen saraakiil halkaas ku sugan.

Office Nairoibi Kenya