Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah argagixisada ka sameeyay degaannada Jiciboow iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Ciidaanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta howl-gallo lagu sifeeynayo kooxda argagixisada ah ka sameeyay deegaannada ku xeeran Jiciboow iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan.

Guutada15 aad qaybta 21-aad oo kaashanaaya dadka deegaanka ayaa isku fidiyay dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya deegaannada Garasyaani iyo Jiciboow.

Saraakiisha Ciidanka ee hoggaamineysa howlgalka ayaa waxay sheegeen in howlgalka maanta uu yahay mid cadawga lagu raad tirayo.Office Nairobi Kenya