Aadan Barre Ducaale oo iska casilay xilka xildhibaanimo kadib markii loo ansxiyay wasiirka gaashaandhigga Kenya oo dhawaan

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Aadan Barre Ducaale ayaa iska casilay xilka xildhibaanimo kadib markii loo ansxiyay wasiirka gaashaandhigga Kenya oo dhawaan madaxweynaha u magacaabay.

Aadan Barre waxaa laga soo doortay magaalada Gaarisa, waxay ka dhigan tahay in qofkii wasiir loo magacaabo Kenya uusan xilka ka heyn karin dowladda.

Wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2007. Aadan ayaa sidoo soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya. Waa Soomaaligii ugu horreeyay ee xilkaas qabta.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad siyaasadda Kenya uga dhex muuqda oo aan la gabban fikirkiisa.

Office Nairobi Kenya